Xurgufyada ka dhaxeyso Mareykanka iyo Iiraan waxay soo socotay in ka badan 40 sano illaa iyo hadana xal waara lagama gaarin khilafaadka u dhaxeeyo labadaan wadan. Taliyaha ciidamada khaaska ah ee ilaalada kacaanka Iiraan, Ismaaciil Qaani, ayaa sheegay in ?dilka loo geystay taliyihii hore ee ciidankaas, Janaraal Qaasim Suleymaani, uusan Iiraan ka hor istaagi doonin inay sii waddo iska caabbinta?.
Isagoo khudbad ka jeedinaya xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Suleymaani ayuu farriin u diray xukuumadda Washington.
?Qof ayey suuragal tahay inuu kasoo dhex baxo gurigiina oo uu ka fal celiyo dambigiinna.??Ayuu yiri Qaani.

Ismaaciil Qaani ayaa xaqiijiyay in dowladda Iiraan ay wali diyaar u tahay inay u aarguddo Janaraal Suleymaani, oo horaantii sanadkii lasoo dhaafay ay Mareykanka ku dileen gudaha dalka Ciraaq. ? Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars ayaa Qaani kasoo xigatay inuu sheegay in howlaha iskacaabbinta ee Ciidamada uu hoggaamiyo ee Quds ?aysan hor joogsan karin ficillada gurracan ee uu sameeyo Mareykanka.?
Wuxuu intaas raaciyay in raadkii Janaraal Qaasim Suleymaani uu wali ka muuqdo dalalka Falastiin iyo Lubnaan, taasoo uu ula jeedo in ?howlo wax ku ool ah uu ka qabtay arrimaha la xiriira waddamadaas?.
Khudbaddiisa ayuu Qaasni ku sheegay in Suleymaani uu howlo muhiim ah kasoo qabtay wax uu ugu yeeray ?dadaallada xoreynta ee ka socday waddamada Suuriya iyo Ciraaq?. Wakaaladda wararka Iiraan ee lagu magacaabo Tanim ayaa sidoo kale shaacisay in Ismaaciil Qaani uu ?Mareykanka ku eedeeyay in ay muddo 30 sano ah raadinayeen sidii ay ku dili lahaayeen Suleymaani, falka ay ku khaarijiyeenna uu albaabbada u furay in wiilashada reer Iiraan ay xor u yihiin u arrgudistiisa?.

Dilkii Jeneraal Qaasim Suleymaani kadib, khilaafaadka Mareykanka iyo Iiraan wuxuu gaaray marxalad cusub, dhinaca Mareykanka waxay ahayd inuu wax ka barto casharadii faragelinta Afganistan iyo Ciraaq. Dagaalkii Mareykanka uu ku qaaday Ciraaq wuxuu noqday mowduuc dhaliyey muran badan illaa iyo hadda la hadal haayo.
Waxay ahayd bishii Maarso 19, 2003, Mareykanka, oo ay weheliyaan xoogaggii isbahaysiga ee ugu horreeyay Boqortooyada Ingiriiska, waxay dagaal ku bilaabeen Ciraaq. Islamarkii ay bilaabeen weerarada ay ku qaadeen caasimada Baqdaad ayaa Madaxweynaha Mareykanka George W. Bush khudbad uu ka jeediyey telefishanka kaga dhawaaqay
?Saacaddan, ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbahaysigu waxay ku jiraan marxaladihii hawlgallada millateri ee hubka looga dhigayo Ciraaq, si loo sii daayo dadkeeda iyo in adduunka laga difaaco khatarta weyn.? ??Ayuu yiri?Madaxweynaha Mareykanka George W. Bush
Dhanka kale dowladda Ciraaq, iyagoo ka jawaabaya hadalka weeraradaas, ayaa idaacadda Jamhuuriyadda Ciraaq ee ku taal Baqdaad waxay ku dhawaaqday, ?
?kuwa sharka leh, oo ah cadowga Ilaah, waddankii iyo dadnimadii, waxay nacasnimo gardarro ah u geysteen dalkeenna iyo dadkeenna.?
Heshiiska Imaaraatka iyo Israa?iil kaliya looma heshiinin Iiraan – Waxa kale oo ku jira Turkiga.
Weerarada loo gaystay Ciraaq waxay bilaabmeen qiyaastii 90 daqiiqo kadib waqtigii Mareykanka uu ugu hanjabay Saddam Xusseen inuu ka baxo Ciraaq ama uu wajaho dagaal.
Bartilmaameedyadii ugu horreeyay, ee Madaxweyne Bush sheegay inay ahaayeen ?muhiimad milatari,? waxaa gantaalo lagu garaacay goobo muhiim u ah dalxiiska ee Tomahawk oo ay garaaceen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo maraakiibta dagaalka ee ku sugnaa Gacanka Beershiya.
Dhinaca kale, ma u malaynaysaa in Iiraan ay ?garaaci karto? Mareykanka?
Laakiin, xaajada sida aad mooday ma ahan, labada dalba waxaa laga yaabaa inay rumeysan yihiin inay sameyn karaan guulo istiraatiiji ah. Si kastaba ha noqotee, khilaafaadka casriga ah ee dunida maanta ka jira ?laguma guuleysto? haddii aad rabto macno walbo u fasiro khilafaadka casriga ah ee aan ka hadlayno.
Mareykanka wuxuu rabaa inuu xakameeyo awoodda Iiraan, dhaawac culusna soo gaara awooddeeda militari ? gaar ahaan kuwa illaalada kacaanka Islaamiga ah.
1940-yadii, Iiraan waxay dhibane u ahayd duulaankii Boqortooyada Iingiriiska iyo Midowgii Soofiyeeti, oo ay taageereen Mareykanka. Si kastaba ha noqotee, ruuxda cusub ee diblomaasiyadeed ee khilaafkii dhiigga badani ku daatay ayaa labada dhinacba isugu keenay miiska wada hadalka.

Sannadkii 1953, haayada sirdoonka Mareykanka ee CIA waxay taageertay hawlgal lagu ridayo ra?iisalwasaarihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay, Maxamed Mossadegh si loo ilaaliyo danaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee saliidda waddanka ? Maxamed Mossadegh wuxuu qarameeyay warshadaha saliidda, Mareykankuna wuxuu doonayay inuu xukunka ku soo celiyo gacanta Maxamed Reza Pahlavi. Inqilaabku wuu guuleystey, in kasta oo CIA-da aysan qiran ka qeyb qaadashadeeda illaa 2013, dadka reer Iiraan waxay si ballaaran u fahmeen afgembiga inuu yahay dadaal uu abaabulay Mareykanka.
Jahawareerkaas ka dhashay xukunkii Maxamed Reza Pahlavi ee ahaa nin u dhega-nugul reer galbeedka wuxuu qayb ka ahaa wixii sii huriyay Kacaankii Iiraan 1979-kii, kaasoo aakhirkii ka dhalatay kacaan cusub.
Sidaa darteed silsiladdaha cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka ayaa inta badan Iiraan saarey 1995 Madaxweyne Bill Clinton, oo ay ku jiraan iibsiga Iiraan ee cuntada, qalabka dayactirka, iyo wax soo saarka caafimaadka, iyo sidoo kale iibsashada roogagga iyo cuntada.?Madaxweyne George W. Bush wuxuu sii waday cunaqabateyntaan sida uu qabo sharciga cunaqabateynta Iiraan (ISA), kaasoo dib loo cusbooneysiiyay toban sano oo kale bishii Diseembar 2016.
Xariirka labadaan dal ayaa hadba heer soo maraayey. Kadib weeraradii 9/11, Mareykanku wuxuu xagjireeyay mowqifkiisa ladagaalanka argagixisada, Madaxweynaha Iiraan ee wakhtigaas Mohammad Khatami wuxuu gaaray wadanka Mareykanka si uu si wada jir ah ula dagaalamo Talibanka Afganistan.
Laakiin khudbadii Madaxweyne Gearge W. Bush uu ka jeediyay Qaramada Midoobay sanad ka dib weeraradii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Dunida ayaa jabiyey xiriirkii mar kale ka dib markii uu ugu yeeray Iiraan, Kuuriyada Woqooyi iyo Ciraaq??tiirarka sharka.?
Laga bilaabo 2006, Mareykanka wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay abaabushay kooxo argagixiso sida Al-Qaacidada Ciraaq, cunaqabateyn cusubna ku soo rogtay hay?adaheeda iyo xitaa duulaan ay ku qaaday safaarada Iran ee Ciraaq.
Weerarka uu amray madaxweyne Donald Trump ee lagu dilay Janaraal Qaasim Suleymaani waxaa sidoo kale ku dhintay Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa siyaasi u dhashay Ciraaq oo guddoomiye ku xigeen ka ahaa guddiga caanka ah ee abaabulka Ciraaq iyo saraakiil kale oo Iiraan taageersan.