Dagaalka biyaha ee Afrika: Xiisadda Masar iyo Itoobbiya

By

Cabdifataax Xasan Maxamed (Barawaani)

Share on facebook
Share on twitter
Share on linkedin
Share on whatsapp
Share on pinterest
wabiga Nile

Sannaddii 2011-kii dawladda Itoobbiya waxa ay diyaarisay mashruuc ku baxaya lacag qiimaheedu dhan yahay 4.5 billion dollar, mashruucaasna waxa ay ugu magac dartay ?Grand Ethiopian Renaissance Damp ? GERD?. Kaas oo laga dhisay gobolka Benishangul-Gumuz ee dhanka bari u xiga xuduudda Itoobbiya ay la leedahay dalka Suudaan.

Waxaana mashruuca loogu talogaley in uu dhammaado sannadka 2018-ka. Biyaqabaqtinka ay dhistay Itoobbiya oo le?eg 1,800 oo ballac ah iyo 1,700 oo dherer ah. Dhaamkaas oo noqon doona midka laga dhaliyo korontada ugu badan qaaradda Afrika, sidaas oo kalena ah dhaamka toddobaad ee adduunka oo dhan ugu ballaadhan ee ah biyaha korontada laga dhaliyo (Hydroelectric Power).

Kaddib kolka ay Itoobbiya isku filnaato biyo, cunto iyo korontaba waxa uu mashruuca GERD noqon doonaa mid laga dhaliyo koronto dhan 5,000 Mega Watts, taas oo loo gudbiyo heer gobol (Regional), sida waddamada ay ka midka yihiin: Soomaaliya, Suudaan, Eriteriya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan. Laakiin mashruucan waxa caqabad ku ah dawladda Masar oo aan oggolayn.

Xiisadda webiga Nile waxa ay dib u noqonaysaa qarniyo ka hor, kolkii uu joogay madaxweynihii xilligaa ee Masar Ismaaciil Baasha, sannadii 1874-kii, markaas oo uu maamulka webiga Nile-ka gacanta ku hayay. Dabadeedna waxa bilaabmay dagaalladii Ethio-Egyptian. Markaa waxa Itoobbiya madaxweyne ka ahaa Yohannes-kii Labaad (Yohannes II). Dagaalkaas inkasta oo ay Itoobbiya guuleysatay, haddana weli xiisaddii webigu sideedii ayay ahayd oo lama xallinin.

Heshiisyadii ay galeen sannadihii 1929-kii iyo 1959-kii ee u dhexeeyay Suudaan iyo Masar, waxa uu awoodda maamul ee webiga si buuxda u siiyay dawladda Masar. Waxa se heshiiska caqabad ku noqday joogitaankii gumeystaha iyo in dawladaha jaarka la ah dawladaha webiga isku haya aysan saxeexin. oo soo dhaweynin heshiiska, ayna sababtay in lala kala safto.

Sannaddii 1979-kii madaxweynihii Masar ee xilligaa Anwar Saadaat ayaa si badheedh ah oo aan qarsoonayn waxa uu ugu khudbadeeyay: ?In Masar arrinta keliya ee ay dagaal u geli karto ay tahay biyaha?. Hadalkaas oo ah hanjabaad loo direy Itoobbiya iyo mashruuc kasta oo la damco in laga fuliyo webiga Nile-ka. Laakiin sannaddii 2011-kii kacdoonkii Masaarida ayaa waxa uu keenay xasilloonidarro horseedday in ay kanshadaas (Chance) ka faa?iidaysato dawladda Itoobbiya.

Masar waxa ay gebi ahaanba ku tiirsan tahay webiga Nile, biyo ahaan iyo dalag ahaanba. Sidaa darteed Masar waxa ay waajahaysaa hoos-u-dhac dhanka biyaha ah oo lagu qiyaasay 10-billion kiloliters, hoos-u-dhac intan kaba sii hooseeyana waxa uu horseedi doonaa waxa ay Masar ugu yeedhay??Catastrophe of Unimaginable Consequences?.?Arrintani waxa ay u muuqataa mid rumoobi doonta, maaddaama oo ay Itoobbiya dhistay keydiye ama godliye biyeed lagu qiyaasay 74-billion cubic metre, kaas oo hoos-u-ridi doona biyaha Masar toddobada sanno ee socda.

Tusaale ahaan haddii aynnu masaaleyno musiibadan, waxa ay noqonaysaa: 1-billion kiloliters oo ay biyuhu hoos u dhacaan waxa uu sababi doonaa waxsoosaar la?aan dhan 200,000 oo Acre (Acre waxa ay u dhigantaa 4,047m2 ama 40% of 1 Hector). Taas oo macnheedu yahay waxa bilaa shaqo ku dhici doona ku dhawaad haaf million dad ah (500,000), taas oo iyaduna saameyn doonta ku dhawaad 2.5 million qoys.

Sidaasi darteed waxa ay Masar bilawday wadaxaajood iyo wadahadal ay la gashey Itoobbiya. Madaxweynaha Masar ee Cabdifataax Siisi waxa uu wadaxaajoodyo la bilaabay sannadii 2014-kii raiisal wasaarihii hore ee Itoobbiya Hailemariam Desalegn, nasiibdarro se wadaxaajoodyadii waxa ay gebi ahaanba guuldarreysteen sannaddii December, 2017-kii. Isla sidaas oo kale waxa xiisadda labada dal sii xumeysay taageeriddii Suudaan (xukuumaddii Cumar Al-Bashiir) ay la safatay dawladda Itoobbiya iyo mashruuceeda.

Waxa kale oo iyaduna socotay sannaddii 2010-kii xiisad ahayd in dawladda Masar ay damacsan tahay in ay saldhig millateri ka dhisato xuduudka Suudaan ee dhanka Itoobbiya, taas oo lagu macneeyay in ay la socoto mashruuca GERD. Dabadeed rasiisal wasaarihii hore ee Itoobbiya Meles Senawi Asress ayaa waxa uu arrintaas kaga jawaabay sannaddii 2011-kii: ?Anigu kama werwersani in si lamafilaan ah ay Masaaridu duullaan ugu soo qaaddo Itoobbiya. Cid isku day middaas oo si nabadqabta nooga tagtay laguma sheegin taariikhda.?

Waxa ay xiisaddu haddana dib u soo kululaatay xilligii madaxweyne Maxamed Mursi sannaddii 2013-kii, markii la arkay siyaasiyiin Masaari ah oo ku khudbadaynaya in ay lamahuraan tahay in Masar ay weerar ku qaaddo Itoobbiya, ayaa uu madaxweyne Mursina hadlay oo yidhi:

?In ay Masar ku difaacayso dhiig, dhibic kasta oo ka mid ah webiga Nile-ka.? Laakiin inqilaabkii ku dhacay Maxamed Mursi, ee uu xilka kula wareegay Siisi waxa ay keentay in ay Masar daciifto, Itoobbiyana ay awoodaysato. Iyada oo kolkaas oo Cabdifataax Siisi yidhi: ?In aysan Masar isu diyaarinayn dagaal ay ku qaaddo Suudaan iyo Itoobbiya midna.?

 

Ugu akhris badan

Scroll to Top