Created - September 1, 2020

Yaa Abuuray Ururadaan Argagixisada?

Yaa Abuuray Uraradaan Argagixisada?

Majaladda 1aad

Editor's Note

Hordhac

Marka koowaad waxaan kugu soo dhaweynaynaa baalasha Majalada Somalism sebteembar-oktoobar 2020, oo aadan ka xiiso dhici doonin Illaahay idinkiisa. Xikmadaha nolosha waa inaad heshaa qoraalo qurux badan oo kulansaday xikmad, murti iyo sooyaalka waayo joog hore. Aqoonta iyo ilbaxnimada guud ayaa koow ka ah liiska wax akhriska. Siyaabaha ay aqoontu uga kala dhex goosha hal jiil ilaa jiilka kale waxa u weyn iyada oo usii dhex maraysa kaydka dhigaalka ah iyo kan dhegoodka ah. Midka koowaad waxa uu raacaa gaadiidka la yiraahdo waraaqaha, kan labaadna waayeelka. Ilbaxnimo kastana waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay. Shuruucda iyo xeerarka dadku samaystaana waxay ka amba qaadaan waayo-aragnimada iyo baahida bulshadaas.

Sidaas awgeed, majalada Somalism.so waa deggel hormuud u ah ajendaha-dejinta arrimaha bulshada, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu diyaariyey jiilka cusub ee fikirka madaxbannaan iyo kuwa muxaafadka ah.

Sidoo kale, waa deggel u taagan in qoraalku noqdo mid qiimo leh, in aragtiyada iyo xal u helida dhibaatada bulshadeena lagu lafa-guro. Sida ka muuqato sumada websaydkeena (Somalism.so) waxaad ka helaysaa
dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan ee lagu baahiyey. Waxaan guud ahaan aqoonyahanada iyo qorayaasha ku boggaadineynaa siddii ay dadkooda dhaxal ugu reebi lahaayeen ugana soo saari laheeyeen dal dhaafsan dalalka caalamka.

Markale ?KUSOO DHAWOOW?
Cabdijabaar Sh. Axmed

Akhriso

Hel majaladdeena

Keydso oo la soco Somalism

Geli emailkaaga oo rukumo majaladda Somalism

Majaladda Somalism

Somalism.so

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka