Ku saabsan Somalism
Ku saabsan Somalism
Ilbaxnimo kastaa waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay. Shuruucda iyo xeerarka dadku samaystaana waxay ka amba qaadaan waayo-aragnimada iyo baahida bulshadaas. Sidaas awgeed, Somalism.so waa deggel hormuud u ah falanqeynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub.
Tan iyo markii la aasaasay 2015, Somalism waxay noqotay madasha hoggaamisa doodaha dhabta ah ee siyaasada arrimaha dibada Soomaaliya iyo arrimaha caalamiga.
Ujeedka rasmiga ah ee wakaaladda Somalism ayaa ah in la helo goob si joogto ah ugu faalooto su’aalaha caalamiga ah ee saameynaya Soomaaliya, iyadoo la isu keenayo aqoonyahano aqoon u leh diblomasiyadda, nidaamyada dawladeed, maaliyadda, warshadaha, waxbarashada, iyo sayniska. Majaladdaha ay soo saarto Somalism waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah majaladaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya loogu akhriska badan yahay. Majaladda waxay daabacday dhowr maqaallo oo faallooyin cajiib ah ka bixiyay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya iyo xariirka caalamiga.
