Ujeedooyinka iyo hiigsiga Somalism

Ujeedka rasmiga ah ee wakaaladda Somalism ayaa ah in la helo goob si joogto ah ugu faalooto su’aalaha caalamiga ah ee saameynaya Soomaaliya, iyadoo la isu keenayo aqoonyahano aqoon u leh diblomasiyadda, nidaamyada dawladeed, maaliyadda, warshadaha, waxbarashada, iyo sayniska. Majaladdaha ay soo saarto Somalism waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah majaladaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya loogu akhriska badan yahay. Tan iyo 2015, majaladda waxay daabacday dhowr maqaallo oo faallooyin cajiib ah ka bixiyay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya iyo xariirka caalamiga oo ay kamid yihiin,…Danta Qaranka

Wakaaladda Somalism waxaa aasaasay Cabdijabaar Sh. Axmed, oo ah qoraa iyo falanqeeye Soomaaliyeed oo ku taqasusay cilmiga diplomasiyadda caalamiga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha. – “Ujeedka rasmiga ah ee loo aasaasay Somalism ayaa ah in la helo aragtiyo iyo mawduucyo cilmiyeysan oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Mawduucyada Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waa mid culus laakiin aan ahayn mid cilmiyeysan, aan nooleyn laakiin aan wali gebiga ka dhicin” – ayuu yiri Cabdijabaar Sh. Axmed

Ujeeddooyinka guud ee hagta waxqabadyada iyo xiriirada hal dowlad ay ku leedahay isdhexgalka ay la leedahay dowladaha kale. Horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda waxaa saameyn ku leh tixgelinta gudaha, siyaasadaha ama dhaqanka dowladaha kale, ama qorshayaal lagu hormarinayo nashqadaha siyaasadeed ee gaarka ah. Siyaasadda Arrimaha Dibadda waa natiijada guud ee geedi socodka ay dowlad ugu tarjunto himilooyinkeeda guud iyo himilooyinkeeda howlo ficil oo gaar ah si loo gaaro ujeeddooyinkeeda loona ilaaliyo danaheeda qaran. Diblomaasiyadda ayaa ah dhaqanka wadaxaajoodka u dhexeeya wakiilada dawladaha, si saamayn loogu yeesho go’aamada iyo habdhaqanka dawladaha shisheeye iyada oo loo marayo wadahadal, gorgortan, iyo qaabab kale oo aan dagaal ahayn. Diblomaasiyadda badanaa waxaa loola jeedaa xiriirka caalamiga ah ee lagu fuliyo shafeeca diblomaasiyiinta xirfadlayaasha ah iyadoo la tixgelinayo arrimo mowduucyo kala duwan leh. 

Danta qaranku waa fikradda ugu muhiimsan ee xiriirka caalamiga. Waa fikradda ugu muhiimsan ee siyaasadda arrimaha dibedda maadaama ay bixinayso maaddada ku saleysan siyaasadda arrimaha dibadda. Inta la dejinayo siyaasadda arrimaha dibedda, dhammaan madaxweynaha waxaa haga danaha ay ka leeyihiin qaranka.

Ujeeddada laga leeyahay siyaasadda arrimaha dibedda ayaa ah in la sameeyo xiriir dibadeed si loo gaaro danaha qaranka illaa inta ugu badan laakiin ma sahlana in si sax ah loo go’aamiyo waxa ummaddu dan qaran u ah. Fikradani waa mid aan mugdi ku jirin oo ay adag tahay in la qeexo.

Danta Qaranka ayaa sharxi karta himilooyinka gobolka. Waxaa sidoo kale looga faa’iideysan karaa iyadoo lagu shaqeynayo fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada dhabta ah ee la raacay. Waxaa loo isticmaali karaa si xeeladaysan doodaha siyaasadeed si loo sharaxo, loo maleeyo, ama loo naqdiyo. Khilaafaadka casriga ah ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda inta badan waxa ka soo baxa madmadow mana aha oo kaliya fikradaha kala duwan ee ku saabsan nuxurka danaha qaranka. Si kasta oo ay tahay madmadowga, fikradda danta qaranka waxay udub-dhexaad u tahay isku day kasta oo lagu sharaxayo, lagu saadaalinayo, laguna fahmayo hab-dhaqanka caalamiga ah.

Qeexitaanka danaha qaranka waxay ku xirantahay mowqifka uu qaranka ka qaatay dhinacyada kala duwan ee xagjirka ah sida himilooyinka kahortaga danaha gaarka ah, himilooyinka kahortaga kuwa waaqiciga ah, welwelka muddada dhow iyo kan fog, iyo tabashooyinka dhaqameed iyo shaqsiyeed.

Madaxda Soomaaliya inta badan waxay ku celceliyaan in dalal shisheeye iyo QM ay soo farageliyan siyaasadda dalka oo aysan u madax banaaneyd danahooda qaran. 2019-kii Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay amartay in uu dalka isaga tago wakiilka QM iyada oo ku eedaysay in uu farogeliyay madaxbanaanida dalka. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa lagu sheegay in Nicholas Haysom, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, aan loo baahnayn uuna ka shaqayn karin dalka gudihiisa, taasoo si buuxda u muujinaysa in dalka laga mamnuucay. “Go’aankani waxa uu salka ku hayaa kadib markii uu si cad u jebiyay hab-maamuuskii iyo dhaqankii ku habboonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareerna ah u farageliyay madaxbanaanida dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii Haysom uu waraaq ku taariikhaysnayd 30-ka diseembar u diray wasiirka amniga taasoo walaac ka muujinaysa ku lug lahaanshihii eedayntii loo jeediyay ciidamada ammaanka oo Qaramada Midoobay taageerto ee xarigii Mukhtaar Roobow 13-kii diseembar, oo ay ku dhinteen 13 qof oo rayid ah rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo.

Waraaqda Haysom ayaa sidoo lagu weydiiyay wasiirka in uu sharaxaad ka bixiyo qaabka sharaciga ah ee loo cuskaday xariga Roobow. Waxa sidoo kale la weydiiyay in wax tilaabo ah la qaaaday si loo baaro dhacdooyinka dhimashada keenay intii ay rabshaduhu ka socdeen magaalada Baydhabo. Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ogaatay in intooda badan dadka la xiray ahaayeen caruur. Waraaqda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa la socotay waraaq ka timid Midowga Yurub, Jarmalka, iyo Britan oo ay ku sheegeen in ay joojiyeen taageeradii ciidamada booliiska maamulka Koonfur Galbeed sababo la xiriira tilaabadoodii doorashadii ka dhacday halkaas ee lagu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Soomaalida oo dhan, siyaasaddoodu dhankii ay doontaba ha u janjeerto eh, Itoobiya, Kiinya iyo weliba dalal badan oo beesha caalamka kamid ah, dhammaan waxaa la isku raacsanyahay inay si aan xad lahayn xilligaan faragelin ugu hayaan arrimaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira aragtiyo iyo sheegashooyin kala duwan oo kasoo baxaya dabeecadda, xuduuddaha iyo saamaynta ay faragelinta gacmaha shisheeye ku leeyihiin khilaafka Soomaalida dhexdeeda ah.

Faragelinta gacmaha shisheeye oo aan halkaan lagu soo koobi karin waxa ay ina tusinaysaa in madax-bannaanida qaranka ay tahay mid muhiim ah. Soomaaliya madax-bannaanida heli mayso illaa ay isku filnaansho gaarto. – Madax-bannaanida waa fikir siyaasadeed oo muhiim ah. Waxayna ku saabsan tahay sida nidaamka siyaasadeed loo unkay loona ilaaliyo. Markii aan ku dhex noolaanno bulsho siyaasadeed oo dhaqan soo jireen ah u leh nabadeynta iyo amarka kala-wareejinta ee nidaamka dowladeed, waxaan u imaan karnaa inaan qaadanno kala-dambayn siyaasadeed, iyo madax-bannaanidaba. Madax-bannaanida ayaa gacan ka geysaneysa ilaalinta xasilloonida unugga siyaasadeed: madax-bannaanida ayaa muujisa xeerarka iyo qawaaniinta muhiimka u ah xukunka nidaamka siyaasadeed, waxaana laga dhexlaa heshiis bulsho oo loo wada siman yahay. Si loo illaaliyo danaha qaranka waxaa lagama maarmaan ah in la helo madax-bannaanida qaranka.

Faragelinta marka ay noqoto, waddooyinka ay adeegsadeen dowladaha shisheeye marka ay rabaan in ay faragelin ku sameeyaan dalalka taagta daran waxay adeegsadaan haayadaha NGO-yada. “.. Peter Hallward wuxuu dhacdadii Hayti ugu magac daray NGO-yado inay yihiin “Humanitarian face of imperialism” waji-samafaleed oo la isku gumeysto.

Dagaaladii soo maray dunida qarnigii tagay iyo wakhtigii la dhisay Qaramada Midoobay (United Nations) ayaa sanadkii 1945 waxaa soo caan baxay magaca NGO oo macno ahaan u taagan (Non-government Organizatioin). Inkastoo ay taariikh sheegayso magaca NGO-yada ay soo baxeen qarnigii 17aad -18aad. Kuwaasoo loo aas-aasay dhaqdhaaqyadii addoonsi kaxoroobidda iyo dhaqdhaaqyadii looga soo horjeeday cadaadisyadii lagu haayey dumarka inay helaan xaquuqdooda insaanimo iyo kuwii shaqaalaha ku doonayeen xaquuqahooda. Markii ay dhaqdhaaqyadaasi ka dhasheen natiijooyin ayaa waxaa sii balaartay NGO-yadii. Iyadoo la xuso in sanadkii 1914 dunida waxaa kajiray 1083 haayado gargaar (NGO).

Dagaaladii ka dhacay wadamada Galbeedka iyo xoreyntii wadamada Afrikaanka ee la gumaysan jiray iyo loolankii dagaalkii qaboobaa waxay sii xoojiyeen in awoodihii is-haystay ay mid walbo samaysato haay’ad gargaar ah oo ay ku kasbanayso dowladaha kale. Laga soo bilaabo hano qaadka ilbaxnimada aadamaha, siyaasada dunida waxay ahayd mid isa saameysa mar walbana waxa jirayay xoogag saameyn toos ah ku yeelan kara hab maamulka siyaasaded ee dhulal kale, arrintaas waxaa sababayay kororka aqoonta oo horumarinaysay dhaqaalaha isla markaasna keeneysay danaynta dhulal & Baddo ka baxsan waddamada horumarayay. Sidoo kale dowladihii wax gumaysan jiray inay caawimaad u fidiyaan dowldihii ay gumaysan jireen iyadoo kadhex arkayay masaalixooda ama dad kale u arkayeen magdhow iyo saaxiibtinimo. Markii ay sanadihii danbe sii kordheen tirada haayadaha NGO-yada ka jira wadamada dhiban isku qiyaasna noqon waayeen tirada haayadaha iyo natiijada horumarineed ayaa la isweydiiyay, ‘NGO-yada ma dhaqaale kobcin ayay sameeyaan mise dib udhac iyo ujeedooyin kale?

Waxaa la isbarbar dhigay wadamada ay ku badan yihiin haayadaha NGO-yada sida Soomaaliya, Nayjeeriya, Suudaan, Tanzania, Yugaandha, Hayti, Hindiya iyo Bangladesh. Waxaana muuqatay inaysan wadamadaan wax horumar ah aysan ka sameynin haayadaha gargaarka (NGO) u fidiyeen ama aysan wali ka bixin baahidii faqri ee dadkaas la yiri ‘waa laga saarayaa, balse wadamadaas aad loogu dhaliilo musuqmaasuq iyo maamul xumo.

Shamima Axmed oo macalimad ka ah jaamacadda Northern Kentucky isla markaana qortay buugga layiraahdo (NGOs in International Politics) waxay xustay in dalkaas siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba u dib-dhacsan yahay, iyadoo ay ka hawl galaan NGO-yo badan oo ku dooda horumarinta iyo wanaajinta xaaladda dadka fuqarada ah.

Joornaalka ‘The Economist oo u kuuragalay hawlgalada NGO-yada ka sameeyaan wadamada soo koraya, ayaa ku tilmaamay inay tahay ‘imperalism’ ‘gumeysi oo nooc kale loo dhigay.

James Pfeffier oo kamid ah dadka u kuura galay NGO-yada caalamiga ah ee ka hawl galay dalka Mosambiik wuxuu xusaa NGO-yada inay ka dhigeen kuwa beylahan xarumaha caafimaadka ee dalkaas. Sababtuna wuxuu ku sheegay inay isbitaalada dowladda ay ka soo gurteen dadkii xirfada lahaa iyagoo mushaar badan u balan qaadayo. Arrintaan ayaa dhaawac u gaysatay adeegii shaqo ee dowladda ay u haysay dadkeeda iyo isbitaalada caamka ahaa oo noqda kuwa aanan daaweyn karin dadkooda.

Faylasuufka Peter Hallward ee udhashay dalka Kanada, wuxuu xusaa NGO-yada Action Aid iyo Christian Aid inay ka danbeeyeen afgambigii loo geystay dowladdii dadkeedu doorteen ee dalka Hayti, asigoo markaas ugu magac daray NGO-yada inay yihiin “Humanitarian face of imperialism”.

Androw S. Natsios oo mudo kusoo dhex jiray NGO-yada wuxuu xusaa in xornimada balaaran ee la siiyay ay mushkilad ku ah dalka ay taageerayaan. Ma dhacdo ayuu yiri ‘inay dhexdhexaad noqdaan, sawirkaas wey u muujiyaan dadka ay lacagta kasoo qaataan ‘deeq bixiyaasha’.

NGO-yada waxay arruuriyaan macluumaad aad u badan, kuwaan oo khalkhal gelin kara xasiloonida iyo aminiga dal leeyahay.

Arrimahaas kore waxay sababeen wadamo badan inay sharciyo gooni ah kasoo saaraan NGO-yada caalamiga ah ee dalalkooda ka hawl galaya. Tusaale ahaan Ruushka sharciyadiisa wuxuu gaarsiiyay NGO-ga ka diiwaan gashan dalka gudihiisa haddii uu doonayo inuu ka hawl galo arrimo la xariira siyaasadda, kana helo dhaqaale wadan kale waa inay isku diiwan geliyaan inay yihiin urur wakiil u ah dowlad shisheeye.

Dowladda Kanada waxay sidoo kale u aragtay xornimada dalka inay ka hor imaanayso ururada u ololleeya arrimaha bii’ada ee maalgelinta ka hela wadanka dibadiisa.

Wadamada ka qaatay go’aanka cadcad ee hawlgal NGO-yada caalamiga, waxaa kamid ah Itoobiya iyo Hindiya oo aad u kala saara ujeedooyinka horumarineed iyo la falgelid kuwa siyaasadeed NGO-da wata. Islamarkaana kula xisaabtama hawlaha ay dalka gudihiisa ka qabtaan. Go’aamadaan oo keenay inay dalalkaan aad ugu faa’iidaan NGO-gii ka hawl gala dalkooda.

Hadaba waa siddee, xaalka Soomaaliya iyo NGO-yada?

Dalka Soomaaliya oo lawada ogsoon yahay inay u tahay dalal iyo dadyow kale goob maslaxadeed ayaa kamid ah wadamada ay NGO-yada caalamiga ah aan ugu hawl galeen. Isla markaana saameyn weyn ku yeesheen go’aamada, hab fikirka bulshadeeda iyo dib udhaca kobaca dhaqaale iyo siyaasadeed ee tusaalayaasha loo soo qaato. Waxay xuseen Soomaali badan oo u shaqeysay iyo xubno kamid ahaan jiray maamulada dowladda iyo dowlad gobaleedyada in NGO-yada caalamiga ah ee laga leeyahay wadamada awooda leh ee ka hawl gala Soomaaliya u dirsadaan macluumaadyo aanan shaqo ku lahayn hawlaha gargaarka bani’aadamnimo ee qofkaas lagu shaqaaleysiiyay.

Arrimahaan oo ugu yaraan keenaya inay sii burburto kalsoonida dadka Soomaaliyeed ku qabi karaan maamuladooda ama masaalix dadyow kale. Laakiin lama dhihi karo qof walbo oo Soomaaliyeed ee u shaqeeya NGO caalami ah, shaqooyinkaas ayuu u qabtaa, laakiin waxyaabo badan wuu ka markhaati furi karaa qofkii la shaqeeya.

Waxaa dhacda NGO-yada caalamiga ah inay ku eedeeyaan kuwa gudaha Soomaaliya jooga ee iyagu tababareen musuq-maasuq, gobaleysi, qabyaaladeysi, xisaab-xumo, xirfad yari, ammaano xumo iyo dalaalnimo eedaymahaan oo lagu soo daabacay bogga “Insight on Conflict”.

Iyadoo ay Soomaalida istaqaan, isna difaaci karin, hadana marka qofku wax ka eego meel ka fog Soomaaliya iyo sawirka guud ee yaala Soomaaliya, wuxuu iswaydiinayaa dhawr arrimood. Haddii ardayga macalinkiisa u barin xisaabta si fiican, kuna abaal mariyo isdhib maryeen walba oo uu sameeyo, indhahana ka laabto khalad walbo oo uu fasalka ka dhex sameeyo, inta ardaygaas fulinayo maslaxadda macalinka. Isla markaana ardayga u fahmo sida saxda ah ee iskuulada looga dhaqmo inay sidaa tahay, ma macalinkaa eedda iskaleh mise ardayga mise labadooda? Haddii ardaygaaas lagu ganaaxo doqonimo, fahan iyo feker yari, muxuu noqonayaa ganaaxa macalinka aad doqonka ahayd, fekerkiisuna xumeyn?

Si aan su’aalahaas ugu jawaabno waxaa wanaagsan inaan marka hore ka jawaabno Soomaali ma iyadoo isqowracday mise waa la qowracay?

Qoraa iyo aqoonyahaan Cabdiweli Maxamed Cali, wuxuu buuggiisa ku sheegay dhacdo shaqsi ahaan soo martay wakhtigii dowladdii KMG uu ahaa Ra’isal wasaaraha Soomaaliya. Waxaa jira buug uu qoray aqoonyahankaan, buuggaas waxa loogu magac daray ‘A challenging transition in Somalia. Waxaa buuggaas ku jira qoraalo xasaasi ah, haddii aan ka soo qaadano qodobka ku saabsan haayadaha gargaarka. “Waxaan xafiiskeyga marar badan ugu yeeray Haayada UN-ka iyo Haayadaha Gargaarka Caalamiga ee ka hawlgala Soomaaliya aan uga sheegay dhibaatada aan wajahayno. Waxay ii wada jeediyeen garbaha, ayagoo oo aan ka naxaynin nolosha dad badan oo Soomaali ah oo gaajo u geeriyoonayo.” – Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, PhD

Caalam ahaan NGO-yada, waa kuwa laga warhaayo, Soomaali badana way ku baraarugsan tahay laakiin inta badan waxa laga raaco masaalixda gaarka ah ama inaan waxba laga qaban karin, madamaa uusan jirin qaran xoog leh. Guud ahaan cambaareynta dunida iyo isla fahmidda arrimahaan markii ay sii xoogeysteen oo loo arkay inaan indahah laga laaban karin, ayaa lasoo jeediyey mashruuc la magac baxay UN Programme for Africa’s Economic Recovery and Development (UNPAAERD) walise natiijo la taaban karo kama aysan dhalan.

Wadamada arrimahaan NGO-yada ka badbaada inta badan waxaa farogelin ku sameeyay dowladda. Iyagoo u tilmaamaayo adeegyada ay ugu baahan yihiin, kadibna kala wareega xilka hawshaas, loona dhiibo masuuliyiin lagu kalsoon yahay waxqabadkooda. Sidoo kale Hindiya iyo Itoobiya, waxay dowladahooda xoojiyeen NGO-yada gudaha dalka laga leeyahay oo laga dhigay kuwa loo carbiyay ka shaqeynta masaalixda dalka. Kadibna waxa lagu khasbaa NGO-yada caalamiga ah inay la shaqeeyaan kuwaas gudaha.

Wadamo kale sida Ruwaandha, gargaarka iyo NGO-yada waxay ka doorbidaan maalgashiga iyo ganacsiga, iyadoo arinkaan aad usii fududeeyay. Sababtoo ah dadka u dhashay dalka markii ay helaan dhaqaale abuur iyagaa dhisanaya iskuulada iyo isbitaalada ay u baan yihiin oo marba la jaanqaadaya inta ay le’eg tahay tayadooda dhaqaale. NGO-yo badan way qabtaan wax wanaagsan, laakiin wanaagga wuxuu miro dhali karaa marka ay dadkii lahaa katashadan karaan aayihiisa, faa’idadiisana u harayso iyaga.

Ra’isul wasaarihii hore Ingiriiska Winston Churcil wuxuu yiri “The Empires of the future are the empires of the minds” ‘Boqortooyada mustaqbalka waa boqortooyooyinka maskaxda’.

Adduunka maanta wuxuu iska noqday mid la iska haysto xagga maskaxda iyo dhaqaalaha, dadkii aan labadaas ka xaroobin, iyagoo isku haysta inay xor yihiin, ayaa la gumeysanayaa. Gumaysiga dunida maantana ma ahan siddii kii waayihii hore jir ahaan la israran jiray balse waxa la iska rartaa caqliga iyo maskax ahaan iyo kheyraad ahaan. Taas macnaheedana ma aha, qofku inuu khalad u fahmo la shaqeynta dowladaha caalamka ee ay masaalixdu dhexmari karto ama qolo walba oo ay ka dhaxeyn karto masaalix ay dan ugu jirto. Sababtoo ah bani’aadamka makala maarmo weyna isku baahan yihiin ayagoo kala dhaqan iyo diin ah. Isku baahnaantaas ayaa keenayso in aadanaha dhex marto wada xaajood iyo wax wadaagid.

Sidoo kale waxaa cabir iyo aqoon duruqsan u baahan masaalixda nooca ay tahay, sidoo kale waa in ay jirtaa dad matala aqoona u leh wada xaajoodka iyo wax wadaagida. Sidoo kale waa in wax laga ogaado masaalixda dhibka ay u keeni karto qiyamka qaranka, qofka qiyamkiisa, akhlaaqdiisa, dadkiisa iyo dalkiisa iyo faa’idooyinka ay u keeni karto.

Waxaas oo dhana waxaa cabbiri karo dad awood, karti iyo khibrad uleh fahmida masaalixda la isku darsanaayo, khasaaraha ku jiri kara iyo haggardaamooyinka ku hoos qarsoon. Dadkaas oo isla markaana doonaya dhawrista jiritaanka mustaqbalka jiilashooda jooga iyo kuwa soo socda. Waa sababta ay u noqotay lagama maarmaan jiritaanka Somalism. Qofka xiisaynaayo kamid noqoshada Somalism waxaa ugu horeeyo marka hore waa inuu qofkaas raadiyaa nuxurka iyo qaababka aan u shaqeyno, waxyaabaha aan horey u daabacnay, sidaas awgeed qorayaasha mustaqbalka waa inay ku bilaabaan iyagoo daalacanaya kaydkeena. 

In kasta oo aan isku dayeyno inaan iska ilaalino adeegsiga aragtida qaar, qorayaasheena waa awoodaan inay bixiyaan xigashooyin ku habboon wixii xaqiiqo ah. Haddii aad xiisaynayso inaad kamid noqoto Wakaaladda Somalism waxaad nagala soo xariiri kartaa emaylka majaladda@somalism.so