Donald Trump wuxuu safarkiisiisa ugu horreeyay ee dibadda ah isagoo ah Madaxweynaha Mareykanka, booqday Israel. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqday Israa?iil wuxuuna noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee booqda Darbiga weyn ee Israa?iil, arintaan ayaa noqonaysa arin taariikhi ah.
Isagoo xirnaa koofida kippa, Trump wuxuu si heer sare ah u aaday meesha quduuska ah ee Yuhuudda. Xaaska Trump, Melania Trump, iyo gabadheeda, Ivanka Trump, ayaa sidoo kale joogay ? laakiin kaliya waxay gaareen qaybta yar ee darbiga oo loo oggol yahay haweenka inay booqdaan. Ninkeedii Ivanka, oo ahaa ninka Yuhuudda ah ee Jared Kushner, isna derbiga ayuu fuulay.

Waa Maxay kippa??Waan jecel nahay Israel waxaanu ixtiraamaynaa Israel,? Donald Trump ayaa yiri wax yar ka dib markii ciidamada Cirka ee Air Force One ay ka soo degeen gegada Ben Gurion ee bannaanka Tel Aviv.
Kippah, ama yarmulke, waa koofi dabool yar ah, oo sida caadiga ah maro ka sameysan, oo caadiyan ragga Yuhuudda ahi xirtaan si ay u gutaan shuruudaha caadiyan ee madaxa lagu daboolayo.
Trump ayaa hore u muujiyay jacaylka uu u qabo gobolka argagixisada ah ee Israa?iil wuxuuna ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu tirada yar ee ka soo horjeedda naceybka taariikhiga.
Wuxuu sidoo kale booqday Sacuudi Carabiya,?Maxayse ka dhiganyihiin haddiyadaha Sucuudiga siiyay Trump ?
Markii ra?isulwasaarihii hore ee Britain Winston Churchil uu booqasho ugu tagay boqorkii Sucuudiga Boqor Cabdicasiis Ibnu Sucuud sanadkii 1954-tii waxa uu ogaaday in haddiyaddii uu waday ee ahayd barfuumka qiimihiisu joogay $134 doolar aysan u dhigmin haddiyadii uu ka heley boqor Cabdicasiis oo ka koobnayd cumaamad xariir ah, waran iyo toorri dahab ka samaynaa iyo waliba kaatun (faraanti) dheemanka.
Islamarkii uu Britain kusoo laabtay, Ra?isulwasaare Churchil waxa uu amray in boqorka loo diro gaari ah nooca Rolls-Royce oo haddiyad ah. Xilligaas waxa uu ahaa markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee adduunka, waxaana jiray culeys badan oo dhaqaale.
Xilligan hadda la joogo, madaxda adduunka isuma diraan haddiyado diyaarad ama baabuur ah, balse qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay illaa 83 sheey oo haddiyad ahaan uu u heley madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kadib booqashadii uu ku tagay dalka Sucuudiga, waxayna tan muujinaysaa dhaqanka israafka ah ee Sucuudiga uu haddiyadaha ku siiyo madaxda Maraykanka.
Maxay ahayeen hadiyadaha uu helay Madaxweyne Donald Trump??
Safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda Trump waxa uu kaga qaybgalay shirkii islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad ee Sucuudiga, halkaas oo boqor Salmaan uu Trump ku tubay haddiyado ka kooban warmo, tooreey, booshka rasaasta oo harag ka samaysan, dhar xariir ah oo kuulo lagu dahaaray, cumaamado, dhar tarash iyo aliindi ah, kabbo, catarro ugdoon, iyo waliba farshaxan gacanta lagu qoray.

?Barigii hore dowladaha gacanka waxa ay bixin jireen haddiyado aad qaali u ah sida saacado, dahab iyo wixii la mid ah? ayuu yiri.
Liiska haddiyadahan oo uu soo daabacay wargayska Daily Beast, isaga oo isticmaalaya xuquuqda warhelista ayaa waxa ay muujinayaan dhaqanka haddiyadaha ee Sucuudiga. Balse haddiyadahan ma ahan kuwa qaali ah sida uu qabo Cali Shibaxi oo ah agaasimaha Arabia Foundation.
Dhawaanahan haddiyadaha waxa ay u badanyihiin kuwa ka turjumaya dhaqanka Carabta, sida farshaxanka oo kale. Ellen Wald oo buug ka qoreysa Sucuudiga ayaa sheegtay in tirada haddiyadaha ay ka turjumayaan tirada waftiga uu la?egyahay. Sanadkii 2008-dii waftigii madaxweynaha Maraykanka la socday ee Sucuudiga tagay waxa uu qof kasta heley haddiyad gaar ah.
Sida uu qabo sharciga Maraykanka, Trump ma isticmaali karo gashiga haragga shabeelka ah iyo farshaxanada Sucuudiga soo siiyeen iyo dhammaan haddiyadaha kale.?Sharciga Maraykanka ayaa gabi ahaanba mamnuucaya in madaxda iyo saraakiisha dowladda ay qaataan haddiyad qiimaheedu ka badanyahay $390 doolar. Waxaa la ogolyahay in la dhigo madxafka madaxweynayaasha, ama qofka lasoo siiyay dib ayuu u iibsan karaa hadba qiimaha uu suuqa ka joogo sheeyga.
Hillary Clinton ayaa iibsatay haddiyad kuul ahayd oo ay soo siisay haweenayda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi oo markaas ahayd hoggaamiyaha mucaaradka Myamar, waxayna ahaydn sanadkii 2012-kii.?Inkasta oo Trump uu Hillary Clinton ku dhaleeceeyey in ay haddiyado iyo waxyaabo kale ka guddoontay Sucuudiga, ayaa haddane haddiyadaha uu ka heley Sucuudiga ayaa waxa la sheegay in aysan ka turjumaynin xiriirka uu la leeyahay dalkaas.?Waxaa la sheegay in haddiyadaha ay astaan u yihiin xiriirka waddamada iyo dhaqanka dalalkaas, balse aysan ka turjumaynin xiriir dublamaasiyadeed oo fiican.
Ellen Wald waxa ay ku doodday in haddiyadaha ay ka midyihiin dhaqamada niyad wanaagga ee waddamada bixinaya, gaar ahaan Sucuudiga oo taariikh ahaan uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Maraykanka.
Booqashadii Donald Trump ee Sacuudi Carabiya, qorshahiisa wuxuu ahaa ?inuu isku dayo inuu xiriir adag la yeesho dunida Islaamka dagaalka kula jiro argagixisada?. Intii lagu jiray booqashadiisa, wuxuu sidoo kale hubiyay inuu Iiraan ku tilmaamo khatarta ugu weyn ee gobolka ka jirta.?50 hoggaamiyeyaal muslimiin ah, wuxuu ku boorriyay inay ?ka saaraan argagixisada? dalalkooda. Si kastaba ha noqotee, dhaleeceyn looma jeedin Sacuudiga, oo maalgeliyey kooxda argagixisada ah ee Islamic State.
? Sacuudiga waa dawlada ka masuulka ah xasillooni darrooyin badan oo ka jira gobolka. Laga soo bilaabo Lubnaan, ilaa Ciraaq, ilaa Yemen. ?Iiraan ayaa maalgelisa hubka waxayna tababartaa argagixisada ku faafaysa khalkhal iyo fowdada gobolka oo dhan. Tobannaan sano, Iiraan waxay xawaaraysay khilaafyada diimeed ee argagixisada?, ayuu yiri Trump.
Intii lagu jiray booqashada, Donald Trump wuxuu sidoo kale Sacuudi Carabiya kala saxiixday dhowr heshiisyo ganacsi, oo qiimahoodu yahay boqolaal bilyan oo doollar ? oo ay ku jiraan heshiis hub ah oo gaaraya 110 bilyan oo doollar.
Isreal waxay horey u fulisay weeraro xasuuq ka dhan ah shacabka reer Falastiin, illaa iyo maantana ay fuliso. Dunida Carabtana aad u malaynayso inaysan ka warqabin dhacdooyinkaan. Maalin kahor xasuuq ay Isreal ka gaysatay dhulka Falastiin, wuxuu RW Isreal ka qeyb galaayay caleemo saarka Madaxweyne Donald Trump waxay weydiiyeen wariyaasha meeshaas joogay xasuuqa bani?aadamnimo ee ay Isreal gaysato.
?Israa?iil u dulqaadan mayso arrintaas, una dulqaadan mahayo arrintaas,? ayuu yiri Ra?iisulwasaare Benjamin Netanyahu oo saxafiyiin kula hadlay magaalada Washignton, hadalkaas ayuuna sheegay intii ay socotay xafladda loo qabtay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si rasmi ah ugu aqoonsaday in Israa?iil u madaxbanaan tahay buuraha Golan Heights oo Israa?iil ay ka qabsatay Suuriya markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe ee sannadkii 1967-dii.
?Israa?iil awood ayay kaga jawaabi doontaa weerarkan aan loo meeldayin,? ayuu intaas ku sii daray Netanyahu oo soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Maraykanka.
Trump ayaa weerarkaas cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay ?mid nacayb ku salaysan? wuxuuna intaas ku daray in Maraykanku ?uu aqoonsan yahay xaqa aan gorgortanka lahayn ee Israa?iil ay u leedahay in ay is difaacdo?.
Yaa isdifacaayo, ma qof asiga weerar lagu yahay mise asiga weerar qofkale ku ah?